warar ku saabsan dagaalada udhaxeeya wadaniyiinta reer habiiye iyo amxaarta duulaanka ku ah dulka hooyo

E-mail laxiriir@yahoo.com
Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya (Somali Contact Group) oo kulan ku yeeshay Magaalada Qaahira, ayaa waxa ay ka soo saareen war murtiyeed ku aadan Xaalada cakiran ee Soomaaliya.

Xubnaha Kooxdan ayaa waxa ay soo jeediyeen baaq ku wajahan in xabad la joojiyo.

Kooxda xiriirka caalamiga oo ay ku jiraan wadamada Britain, Italy, Kenya, Norway, Sweden, Tanzania, Mareykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Jaamacada Carabta, ayaa sheegay in dhamaan qeybaha isaga soo horjeeda Soomaaliya ay ka qeyb galaan kulanka dib u heshiisiinta ee lagu soo afjarayo colaadaha.

Bayaan ay si wada jir ah usoo saareen Xubnahaas ayaa waxa ay ku sheegeen in lagaga maarmaan ay tahay in la joojiyo dagaalka isla markaana la gaaro heshiis rasmi ah oo lagu adkeynayo Xabad joojinta.

Bayaanka ay soo saareen Kooxda Xiriirka caalamiga ayaa lagu sheegay in ay aad u cambaareeynayaan Falalka Xag jirnimada iyo argagixisada ee lagu qal qal gelinayo Hey'addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay xaalada bani'aadanimo ee ka jirta Soomaaliya, waxeyna sheegeen in dadka rayidka ah eek u barakacay kuna waxyeeloobay loo turo.
 
mn1.gif
www.magaal.tk
HOME