www.magaal.tk

E-mail: laxiriir@yahoo.com
    Ilaalada Wasiir Kuxigeenka Gaadiidka Badda iyo Dekeda Maxamed Sh. Isxaaq (Abaadir) iyo kooxo hubeysan ayaa iska hor imaad ku dhex maray Deegaanka Fiidow.

Iska hor imaadkan oo ahaa mid socoday qadaro daqiiqado ah ayaa sababau dhimashada hal ruux oo ah ilaaladii Wasiirka Kuxigeenka, halka tiro saddexna oo isla ilaalada ah laga dhaawacay.

Isku dhaca labadan dhinac ayaa yimid, kadib markii uu kala shaki ku soo kala dhex galay, iyadoo Maleeshiyadaan ay u suurta gashay in ay la wareegaan gaari ay wateen ilaalada Wasiir K/xigeenka iyo labo qori.

Ilaa hada ma cada qasaaraha soo gaaray kooxihii hubeysnaa ee iska hor imaadka dhex maray Ilaalada Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya, waxaana dhacdadan ay noqoneysaa tii u horeysay ee ka dhacda Deegaanka Fiidow oo ah Xadka kala bara Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, wadada u dhaxeysa gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa waayadii ugu dambeysay waxaa kusoo badanayay maleeshiyo aad u hubeysan oo dhibaatooyin u geysanaya dadweynaha goboladaasi ku kala gooshaya.
 
 
URL:       www.magaal.tk
 
E-mail:   laxiriir@yahoo.com
 
Ama:     laxiriir@hotmail.com

HOME PAGE